Qaybtii 2aad Xaysiinta Internetka ama waxaa looyaqaano Affiliate marketing iyo sidaad dakhli fiican uga sameyn lahayd.

2. xaysiin aad usamysid shirkad ama alaab / affiliate marketing

In aad feker kan dhaqaale kasameeysa waxaa ay ku xidhan tahay sida aad u fanto dariiqyada looga sameeyo lacag. waxaa loo yaqaano affiliate marketing oo ah in aad qof kale ama shirkad kale aad alaab ay leedahay oo la iibinayo aad u xayeysiisid sidaasna aad dhakhli kaa soo galo oo aad lacag fiican kusameysid.

Waxaa jira lab dariiq oo aad dakhli kaga sameyn kartid marka ay timaadi fikradan ah xasiinta online ka. 1. In aad xayeysiisid laabaha lagu iibiyo internetka sida ebooks, ebooks ka waa bugaag usameysan si electronic ahaan ah oo aad in ternetka aad ka iibsan karto islamarkaana aad ku soo dejisan karto mobilekaag gacanta ama computer kaaga. Waxaa kale oo jira wax layiraahdo 2.membership sites oo ah in aad dadka usheegto in shirkadaas ama alaabtaas ay iibsadaan kuna biiran shirkada iyo howsheeda 3. iyo in aad fiidyowyo ka sameeyso alaab ama shrkad dariiqa 1koowaad waa kaas waxaad ka sameyn kartaa dakhli gaadhayaa 50% commission ah in wax kasta oo la iibsado ay lacag kusaaran tahay.

Waxaa jira dariiq labaad oo isna sificaan dakhli kaa soo gali kara waliba si fiican hadaad fahantid farsamooyinka iyo sida lacag looga sameeyo dariiqan soo socda. Waxaan umalaynayaa manta qof walaba waa yaqaana shirkada weyn ee loo yaqaano Amazon, Amazon waa shirkad iibisa wax kasta oo aad ubaahna tahay si online ah ninka isk leh Jeff waa ninka aduunkan ugu taajir san, in uu noqdo qofka aduun kan ugu taajirsana wax fudud maaha oo waad fahmi kartaa howsha iyo wakhtiga uu galiyey si uu ugaadhi halka uu manta taagan yahay.

Waxaa jira barnaamijyo loogu talagalay oo dadka ka sameyn karaan dakhli fican oo shirkadani ay bixiso waxaa ay shirkada Amazon si online ahaan ah u iibisaa alaabyo malaayin ah oo ka kala yimaada caalamka daafihisa. Waxa jira Amazon Affiliate Marketing fursadani waxaa ay kuu fududeenaysaa in aad alaab kamida alabaas malaayinta ah ee lagu iibiyo Amazon in aad dooratid taad jeceshahay kadibna aad xaysiin ku sameysid, oo side ayaad xaysiin ugu sameynaysaa? Waxaad ku xaysiin kartaa hadaad leedahay website ama blog, social media, sida youtube ka iyo wixii lamida, sided lacag uga sameyn kartaa? Marka alaab kasta oo aad xaysiisay la iibsado waxaad ku leedahay ( commission) boqolkiiba wax ayaad ku leedahay oo waxaa ay ku xidhan tahay qiimaha alaabta la siinayao.

Sidoo kale waxaa jira in aad adigu aad iibin karto alaab aad leedahay oo aad ku iibin karto Amzon market ka, waxaad sameynaysaa account ayad ka furanaysaa Amzon business kadibna alaabdad ayaad ku iibinaysaa .

For business only

Mohamedtukaale@gmail.com